WAR DEG DEG AH:- Diyaaradaha Kenya oo Duqeeyay Gobolka Gedo

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Diyaaradaha Kenya ay Duqeyeen Saldhig Xarakada Al-shabaab ay ku leeyihiin Tuulada Nus-dariiq oo hoostagta Degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

Diyaaradaha ayaa la sheegay in ay Dhowr Gantaal ku dhufteen Goob la tuhunsan yahya in Shabaab ay ku sugnaayeen,waxaana ka dhashay Dhimasho iyo Dhaawac.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Duqeynta ay ku dhinteen illaa Shan Qof islamarkaana ay ku dhaawacmeen Siddeed kale.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Diyaaradaha Kenya ay Burburiyeen Gaari ah kuwii horay looga qabsaday Ciidamada Kenya ee Ceel-cadde lagu Weeraray islamarkaana Maalin ka hor ka qeyb qaatay Weerarkii Degmada Ceel-waaq.