DHAGEYSO:- Wasiirka Fargeeti “ Masuul ka tirsan Dowladda oo Lacag ka Xaday Bangiga Dhexe ma jirto, dadkii Xaday Waan ognahay Maxkamad ayaa la soo taagayaa”..

0

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim “ Fargeete” ayaa ka hadlay halka uu marayo Baaritaanka lagu hayo shaqsiyaadka la sheegay iney Xadeen lacagta faraha badan ee la sheegay in laga Xaday Bangiga Dhexe.

Wasiirka ayaa sheegay in lagu daba jiro dadkii xaday lacagta isla markaana gacanta lagu soo dhigayo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in lacagta la Xaday aan loo isticmaali rabin doorashada Soomaaliya isla markaana aysan jirin Masuul ka tirsan Dowladda oo lacagtaasi Xaday.

Waxa uu sheegay in dadkii Xaday lacagta la og yahay laguna daba jiro Maxkamadna la soo taagi doono marka uu baaritaanada socdo dhamaado.

Hoos ka Dhageyso Codka:-