Afhayeenka Ciidanka Midowga Africa ee AMISOM Joe Kibet ayaa ka warbixiyay dagaal culus oo dagaalyahanno Hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay ku qaadeen degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Waxa uu xusay Afhayeenka AMISOM in Al Shabaab dhowr Jiho ay ka soo weerareen Saldhigyo Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Ceelwaaq.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa qiray in dagaalkaas uu geystay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo Dhaawac walow uu ka gaabsaday in khasaaraha Ciidamada soo gaaray uu cayimo.
Dhinaca kale wuxuu qiray Afhayeenku in ay jiraan Gaadiid dagaal oo Al Shabaab ay ka kaxeysteen degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Al Shabaab ayaana saacado kula wareegay weerarkooda degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo walow ay dib isaga baxeen.
Weerarkii Al Shabaab ay ka fuliyeen degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ku dhintay Askar iyo Saraakiil uu ku jiro Col Maxamed Adan Koronto oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo.
Hoos ka Dhageyso Codka:-