Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in isgaarsiinta magaaladaas hawada laga saaray inteysan gudaha usoo galin maleeshiyaadka falaagada Al Shabaab.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in hawada laga saaray gabi ahaan isgaarsiinta degmada Ceelwaaq inteysan gudaha usoo galin maleeshiyaadka falaagada Al Shabaab ee nabad diidka ah.
Ilo wareedyadeena ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in wax ka yar saacad ka hor hawada laga saaray gabi ahaan isgaarsiinta degmada Ceelwaaq inta aysan maleeshiyaadka Al Shabaabna gudaha usoo galin degmadaas.
Sidoo kale ilo wareedyadeena ayaa waxa ay sheegeen in qadar labaatan daqiiqo ah dib loo fasaxay Isgaarsiinta markii ay Al Shabaab ka baxeen magaalada, kadibna dib looga saaray hawada.
Dhinaca kale Ilo wareedyadeena ayaa waxa ay qaylo dhaan u dirayaan dhamaan hay’adaha amaanka in ay dabagal ku sameeyaan cida gacanta ku haysa maamulka isgaarsiinta degmada Ceelwaaq, si loo ogaado cida bixisay amarka ay hawada uga saareen isgaarsiinta degmadaasi, maadaama ay wax ka yar saacad ka hor hawada ka saareen gabi ahaan qadka isgaarsiinta..
Isku soo wada duuboo waxaa soo gaaraya warbaahinta Allgalgaduud Media xogo badan oo lug ku leh shirqoolka lagu laayay Kornayl Aden Koronto iyo ciidadmadiisa kuwaas oo gabi ahaantood sheegaya ku lug lahaanshaha madax, saraakiil iyo horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab inay kawada shaqeenayeen sidii loo qaarajin lahaa Kornayl Aden Koronto meeshana looga saari lahaa inta ka harta ciidamda uu hogaaminayay.