Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal faraha looga gubtay oo reebay qasaaro badan uu halkaasi ka dhacay kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dawladda iyo falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka dagaalkan ayaa waxaa ku geeriyoodeen Allaha U Naxariistee Koronayl Aden Maxamed Wacays (Aden Koronto) iyo ku dhawaad lix askari.
Warka ayaan itaasi waxa uu ku darayaa in dagaalkan ay ku geeriyoodeen Korayl Aden Koronto sidoo kale waxaa jira dhimashada askar badan oo ka tirsaneyd ciidamada dowladda
Majiraan ilaa hadda ilo wareedyo kale oo madax banaan oo xaqiijinaya geerida Koronayl Aden Maxamed Wacays (Aden Koronto) iyo askarta dowladda.