Maamulka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Cadaado Ee xarunta KMG u ah Galmudug ku soo bandhigtay Labo Askari oo ka tirsan Galmudug kuwaas oo Habeyn hore Dilay Sargaal sare oo ka tirsan Shabaab islamarkaana lagu Magacaabi jiray Faarax Cali Raage.
Saraakiisha Dowladda Galmudug ayaa sheegay in Faarax Cali Raage ay qaarajiyeen Ciidamada Ammaanka Dowladda Galmudug,kuwaas oo Fuliyay Dil Qorsheysan oo Galmudug ay soo abaabushay.
Saraakiisha NISA ee Galmudug ayaa intaa ku daray in Darajoyin Fiican la siin doono Ragga Fuliyay Weerarka lagu dilay Sargaalka Shabaabka ah.