TOP DHAGEYSO:- Waxgarad Careysan‘‘Madaxweynihi Hore Xasan Sheekh Waa Wiilkeena laakiin…..

0

Waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ilaa iyo hada aysan jirin wax iska bedelay mowqifkooda ay ku diidan yihiin Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Magaalada Jowhar ka furay wajigii labaad ee shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo mudo badan hakad uu ku jiray.

Nabadoon Cusmaan C/laahi Cabdi oo ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay weli in aysan jirin wax iska bedelay mowqifkooda, sidoo kalena ay diidan yihiin Shirkaasi.

Waxa uu sheegay in marka hore ay qorsheynayeen in shir dib u heshiisiin ah loo sameeyo Waxgaradka iyo Duubabka Dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, blase taasi aysan dhicin oo horey laga guda galay wajiga labaad ee Shirka.

Ugu dambeyntii Nabadoon Cusmaan C/laahi Cabdi oo ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa Dowladda Federaalka iyo Urur Goboleedka IGAD ku eedeeyay in ay fara gelin ku hayaan Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

HALKAAN KA DHAGEYSO