Howlgalladan oo ah kuwa xoogan, islamarkaana amaanka lagu xaqiijinayo ayaa Ciidamada Maamulka Jubaland waxey ka wadaan Xaafado ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Ciidamada ayaa howlgalladooda waxey xoogan ku saareen Xaafadaha Farjano iyo Faanoole, oo la aamisan yahay in ay ku sugan yihiin Dad xiriir la leh Al Shabaab.
Weli lama shaacin hadii ay jiraan Dad lagu soo qab qabtay howlgalladaasi ka socda Xaafadaha Magaalada Kismaayo.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa sidoo kale xusay howlgallada looga goolleeyahay in Magaalada Kismaayo looga saaro Haween ay ku sheegeen in ay yihiin Xaasaska Al Shabaab.
Maamulka Jubaland ayaa wacad ku maray in Xaasaska Al Shabaab aysan ku sugnaan doonin Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.