Hilary Clinton oo ololaheeda siyaasadeed dib u bilowday

0

Musharraxa madaxweyne ee xisbiga dimuquraadiga Hillary Clinton ayaa dib u bilowday ololeheeda kaddib markii uu hakad ku yimi.

Clinton ayaa waxaa ku dhacay xanuunka oofwareenka horraantii isbuucan xilli ay ka qeybgaleysay munaasabad shacab oo lagu qabtay New York.

Mrs Clinton ayaa sheegtay inay arrin aad weyn tahay in ay dib ugu soo noqoto masraxa ololaha siyaasadda.

Taageerayaasheeda oo isugu soo baxay Greensboro ee waqooyiga Carolina waxay u sheegtay in fadhiga guriga ay ka heshay fursad ay ololeheeda ku xoojiso.

Fikrado la aruuriyay ayaa waxa ay muujinayaan in Donald Trump uu aad ugu soo dhawaanayo Hillary Clinton, doorashadana ay tahay mid loolan adag ah.

Arrintaasi ayaa waxay ka dhalatay markii ay Mrs Clinton xanuunsatay.

Shalay warbixin ku saabsan caafimaadka Trump oo la soo saaray waxaa lagu sheegay inuu caafimaadkiisa wanaagsan yahay, laakiin aad uu u cayilay.