DAAWO SAWIRRADA: Musharixiinti Tagay Baledweyne Iyo Odayaasha Dhaqanka Hiiraan Oo Kulan Yeeshay Iyo Musharax Xasan Sheekh Oo Qal-Qalay…

0

Inta badan Siyaasiyiinta Somalia iyo Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta soo Gaaray Magaalada Beledweyne, iyaga oo ka qeyb-gallay munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay Baar Xasan Dhiif.

Siyaasiyiinta iyo Musharraxiinta Maanta gaaray Beledweyne, ayaa Waxaa ka mid ah: RW-hii hore ee Somalia, C/wali Sh. Axmed, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Max’uud Axmed Nuur Tarsan, C/raxmaan C/llaahi Baadiyoow, C/llaahi Goodax Barre iyo Siyaasiyiinta Soomaalida qaarkood.

Musharixiinta ayaa khubado kala duwan oo ay ka jeediyeen Munaasabadda soo dhaweynta ee loo qabtay, waxaa ay ku dhaliileen Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha maamul-gobolleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo sidda ay Hadalka u dhigeen aan wax sharciyad ah ku fadhin, madaama aya sheegeen Dowladda hadda jirta waqtigeeda dhamaaday.

Sidoo kale Waxaa goobta hadal kooban ka jeediyay Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Siyaasiyiinta iyo Musharixiinta kula dardaarmay, in ay Socdaalkooda ku baahiyaan Guud ahaan Soomaaliya waxaana uu sheegay in xasan sheekh uu isbiday awood uusan laheyn hasa ahaatee ay wajahayaan.

Isku soo wada duuboo kulanka musharixiinta iyo odayaasha dhaqanka kadib ayaa waxaa lasoo sheegayaa Madaxweynihi hore haddana ah musharax Xasan Sheekh Maxamuud in uu soo wajahay qal qal isagoo ka baqdin qaba in musharixiinta ay u tageen Baledweyne sidii ay fashilin lahaayeen.

HOOS KA DAAWO

mu mu1 mu2 mu3 mu4 mu5 mu6 mu7

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media