Ancelotti oo xaqiijiyay in kooxdiisu ay dib u heshay seddex laacib oo muhiim ah ka hor kulanka Ingolstadt FC.

0

Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay xaalada caafimaad ee kooxdiisa ka hor kulanka ay marti qaadi doonaan barri galab kooxda Ingolstadt FC.

Ancelotti ayaa sheegay in kooxdiisu ay dib u heshay ciyaartoyda kala ah Arjen Robben, Kingsley Coman iyo daafaca halista ah ee Jerome Boateng.

Carlo ayaa sheegay in Robben iyo Boateng ay ku soo bilaaban doonaan kursiga keydka kulanka barri halka Coman uu sheegay inuu ku soo bilaaban doono ciyaarta.

“Robben iyo Boateng waa diyaar, laakiin keydka ayeey ku soo bilaaban doonaan kulanka barri, halka Coman uu ku soo bilaaban doono ciyaarta” ayuu u sheegay saxaafada ka hor kulanka Ingolstadt FC.

robben rubb

“Waxaan doonaynaa inaan sii wadno shaqadii aan soo bilownay tan iyo bilowgii xiliciyaareedka, waxaan hiigsanaynaa in heerkeena aan ka dhigno 100% barri”.

Ancelotti ayaa sheegay in Lahm, Muller iyo David Alaba ay seegi doonaan kulanka Ingolstadt kadib xanuun ka soo wajahay dhanka dheef shiidka.

 

gool-fm