TOP:- Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kafishay halka uu ku dambeeyo Darees cusub oo Ciidamada dowlada la siiyay

0

Col Diini Kaahiye oo Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ka mid ah ayaa tilmaamay in Darees Cusub oo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Todobaadyo ka hor Muqdisho loogu qeybiyay uu gacanta u galay Xarakada Al Shabaab.

Sarkaalkaan ayaa waxa uu intaas ku daray Ciidamada dowladda ee Bakool ku sugan in ay joojiyeen xirashada Dareeska Milatariga maadaama sida uu yiri Al Shabaab la wataan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerar la sheegay In lagula qaaday Deegaanka Busleey oo qiyaastii 50 km u jira Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo ay sheegeen Saraakiisha dowladda in ay ku soo arkeen Dareeska u gacan galay Al Shabaab.

Muddooyinkii dambe ayaa deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool waxaa ku dagaalamayay Ciidamada dowladda iyo dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.