Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo warramaya in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay tiro Madaafiic ah ku garaaceen deegaanno hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidanka Kenya oo howlgallo ka sameynayay deegaanno hoostaga Magaalada Kismaayo kuna sugnaa Deegaanka Warkooy oo qiyaas ahaan 40 km dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa la soo sheegayaa in tiro Madaafiic ah ku garaaceen deegaan la yiraahdo Singilaar oo u dhow deegaanka Warkooy.
Ugu yaran 1 qof ayaa ku dhintay 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen Madaafiicdaasi sida ilo deegaanka ah ay Shabelle u xaqiijiyeen.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland oo Shabelle ay wax ka weydiisay Madaafiicdaasi ayaa waxa ay dafireen in dad shacab ah ay waxyeello ah ka soo gaareen.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay ku dhawaaqay Howlgal ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.