DAAWO SAWIRRADA: Ciidamada Amaanka Boosaaso Oo Soo Bandhigay Hub Iyo Rasaas Ay Shalay Qabteen.

0

Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada ilaalada gaarka ah ka hayo magaalada Bosaaso ay soo bandhigeen hub iyo rasaas farabadan oo si dhuumaaleysi ah lagu soo gelinaayay degaanada Puntland lagana keenay Dalka Yeman.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Ciidamada oo howl galka ka fuliyay gudaha doonida hubkaan siday ayaa lagu soo qabtay ninkii watay hubkaan wallow oo lasheegay in kusoo dhex qariyay Baaf weyn oo Xalwo ah.

Waxana Hubka la soo bandhigay uu ahaa lix bastooladood oo lagu soo dhex qariyey dooni ganacsi oo ka timid dalka Yemen.

Dhinaca kale Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in hubkan iyo rasaastoodaba laga keenay dalka Yemen, isla markaana lagu wareejiyey maxkamadda ciidamada qalabsida.

Isku soo wada duuboo Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen Axmed ayaa intaasi ku dary in shaqsi waday hubka oo lagu magacaabo Saalax lagu xukumay 20 sano oo xariga.

bas bas1 bas2

 

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media