Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Dowladda Jabuuti ayaa kaalin weyn ku lahayd qabsoomidda shirkii IGAD ee shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Shirkan oo hadda kahor baaqday, ayaa mar kale haddana halis u galay dorraad inuu baaqdo kadib markii dowladda Itoobiya ay isku dayda inay xagal daaciso shirka, si uu baaqdo.
Warqad dorraad soo baxday oo warbaahinta lagu faafiyey, taasi oo shirka lagu baajinayey balse markii dambe la sheegay inay been abuur ahayd ayaa la ogaaday inay ahayd warqad sax ah oo ay ka dambeysay dowladda Itoobiya.
Markii ay warqadda soo baxday kadib ayaa waxaa dadaal xooggan galay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle una sheegay ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn inay tahay wax aan la aqbali karin in maalin kahor un shirka la baajiyo.
Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa sidoo kale dad dhowr ah si hoose ugu sheegtay in shirka uu baaqday taasi iyana jahwareer kale abuurtay.
Geelle, oo cilad diyaaradeed darteed shirka uga baaqday ayaa u sheegay Hailemariam Desalegn in haddii uusan ka qeyb galin shirka ay taasi noqon doonto burburkii IGAD.
Geelle ayaa sidoo kale la hadlay madaxweynaha Kenya Uhur Kenyatta kana dhaadhiciyey in shirka aan la baajin, waxaana Uhuru uu aqbalay soo jeedinta Geelle, maadaama isgaa naftiisa watay qorshe u gaar ah oo ahaa in jaadka la fasaxo.
Dhinaca kale Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa isniintii soo saartay warqad ay ku sheegeysay in warqadda shirka lagu baajiyey ay ahayd been abuur kadib markii ay xaqiijin ka heshay dowladda Itoobiya.
Isku soo wada duuboo Lama yaqaan sababta Itoobiya isugu dayday fashilinta shirka, hase yeeshee dowladda Jabuuti ayaa lagu ammaani karaa sida ay uga hortagtay hagardaamada Itoobiya.
HOOS KA DAAWO
Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media