War qoraal ah oo uu soo saaray madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa lagu cambaareeyay shirkii urur goboleedka IGAD ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Somaliland ayaa si kulul uga hadashay qodobo ka mid ah qodobadii kasoo baxay shirka Madasha Wadatashiga Qaran.
Waxaa ka mid ah qodobada ay Somaliland ka hadashay in dalalka IGAD ay ka shaqeyn doonaan midnimada Umada Soomaaliyeed , islamarkaana aan la aqbali doonin in laga qeybiyo dadka Soomaaliyeed.
“Waxaanu u aragnaa arrintaasi mid la majara habaabiyay, oo aan ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah ee xaaladda Soomaaliya iyo Somaliland ka jirta. Waxaanu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka Dowladda Somaaliya, ee looga taliyo magaalada Muqdisho”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland.
Maamulka Somaliland ayaa ku doodaya in ay yihiin Qaran Madax banaan, inkastoo aan wali aan la aqoonsan.