Hay’adda caalamiga ah ee la dagaallanka daawada kordhisa awoodda ciyaartoyda ee WADA waxa ay sheegeysaa in burcad internet oo Ruushka ka soo jeeda ay isku deyayaan inay u dhacaan hanaankeeda la dagaallanka doping-ka.
Waxa ay hay’ada WADA sheegtay in la soo bandhigay akhbaar laga xaday kumbuutaradeeda.
Wakaalad warar oo Ruushka laga leeyahay ayaa waxay daabacday sharaxaad ku saabsan waxyaabo la mamnuucay oo laga qoray tartamayaasha Mareykanka, sida kuwa ku guuleystay billado dahab ah.
Dadka la magacabaay waxaa ka mid ah gabadha ku guuleysatay abaalmarinta dahabka ee jimicsiga, Simone Biles, iyo xidigta dhanka tenniska, Serena Williams.
Maamulka la dagaallanka daawada doping-ka ee Mareykanka ayaa si adag u cambaareeyay wax uu ku tilmaamay cagajugleynta internetka.
“Waxaa la ahndadaayaa ciyaaryahano aan waxba galabsan oo sameeyay waxkastoo looga baahnaan” ayey tiri laa’nta la dgaallanka daawada mamnuuca ka ah ciyaaraha fudud ee Mareykanka.
Afhayeen u hadlay aqalka Kremlin ee Ruushka waxa uu sheegay inaysan su’aal ka taagneyn in Ruushka uu lug ku leeyahay arrinta.
Horraantii bishan, agaasimaha guud ee WADA, Olivier Niggli, wuxuu sheegay inay si joogto ah ay ula kulmeen weerar dhanka internetka ah oo kaga imaanayay Ruushka.
Ciyaaryahanada Ruushka ee tartamada fudud ayaa laga mamnuucay tartamada Rio, kaddib markii WADA ay ku eedeysay in dowladda ay maalgeliso barnaamijka dopingka ee awooda tartamayaasha kordhiso.