DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Wajahan Magaalada Jowhar iyo Siyaasad Cusub

0

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu maanta oo Arbaco ah gaaro Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasi oo ay taalo gogosha Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo caga jiid badan uu ka taagan yahay.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, sida ay soo sheegayaan Suxufiyiinta ku sugan Magaaladaasi, waxaana sidoo kale gudaha Magaalada lagu arkayaa ciidamo fara badan oo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya, kuwaasi oo ammaanka sugaya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka amniga iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan ayaa la filayaa inay tagaan Jowhar.

Qorshaha Madaxweynaha uu u tagaayo Magaaladaasi ayaa waxa ay tahay dar dargelinta Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo sida balanta aheyd lagu waday in shalay la soo bandhigo Xildhibaanada uu maamulka yeelanaayo.

Odayaasha Dhaqanka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa ku sugan Magaalada Jowhar, inkastoo ay jiraan beelaha ka soo jeeda Gobolka Hiiraan qaar ka mid ah Odayaashooda inay meesha ka maqan yihiin.

Todobaadkaan gudihiisa xubno ka socda IGAD ayaa shir la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Jowhar ku sugan si loo dar dargeliyo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa dedejinta Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe si mar un ay u soo dhamaato howsha arintaan la xiriirta oo muddo dheer caqabado xoogan ay ka taagnaayeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-