Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Saxaafada u sheegay in uu dowladda Kenya kala hadlay duulimaadyada ka duula magaalada Muqdisho ee la sii Marsiiyo degmada Wajer ee dalka Kenya , halkaasi oo baaritaano lagu Sameeyo dadka diyaaradaha saaran ka dibna loo gudbiyo Caasimada dalka Kenya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in taasi ay caqabad weyn ku tahay dadka Soomaaliyeed , islamarkaana uu arintaasi uu kala hadlay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Kenya ay aqbashay in duulimaadyada ka duula magaalada Muqdisho in ay si toos uga degtaan magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay ka shaqeynta amniga labada dal ,lakiin ay haboon tahay inaan Soomaalida la dhibaateyn.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in uu Madaxweynaha kala hadlay in la fududeeyo Visooyinka Dadka Soomaaliyeed ee doonaaya in ay aadaan dalka Kenya.
Hoos ka Dhageyso Codka:-