DHAGEYSO:- Dowladda Jabuuti oo ka hadashay Sababta uu Safarkii Muqdisho ugu baaqday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

0

Dowladda Jabuuti ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha ay shalay u degi wayday diyaaradii siday Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan ayaa wariyeyaasha u sheegay in cilad ay ku timid diyaaradii siday Madaxweynaha Jumhuuriyada Jabuuti ayna soo caga dhigan waysay garoonka Aadan Cadde.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu qorshihiiso ahaa in uu ka qeyb galo shirka , laakiin uu dib ugu laabtay dalka Jubuuti kadib markii ay degi waysay diyaaradii siday.

Safiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha Jabuuti uusan ka qeyb galin shirka ,lakiin uu ka qeyb galay Wasiirka arimaha dibada dalka Jabuuti.

Hoos ka Dhageyso Codka:-