WAR DEG DEG AH+SAWIRO:- Shirka Madasha Wada tashiga Qaran oo la soo gaba gabeeyay

0

Shirka Madasha Wada tashiga Qaran oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta laga soo saaray war murtiyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka soo xiray, isagoo ka warbixiyay mudadii uu socday shirka iyo go’aanada la gaaray.

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa lagu magacaabay Guddi Amni oo uu Madaxweynaha Guddoomiye u yahay.

Waxaa shirka goob joog ka ahaa Madaxda Maamulada Puntland, Koofur Galbeed, Jubbaland oo saaka dib ugu soo laabtay labadaba, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari.

Munaasabada lagu soo bandhigayay war murtiyeedka ayaa waxaa ka maqnaa Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, inkastoo uu horay goob joog uga ahaa shirarkii Madasha ay ku yeelatay Muqdisho intii u dhaxeysay 6-12 bishan.

War murtiyeedka oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa saxaafada u akhriyay Afhayeenka Madaxweynaha Daa’uud Aweys.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

shirkii-madasha1 shirkii-madasha2 shirkii-madasha3 shirkii-madasha4 shirki-madasha