Ciidamada Difaaca Gobalka Mudug ayaa gacanta ku dhigay Gaari xamuul oo rar waday, kaasoo marayay wadooyin khalad si uu ugu gudbo deegaanada kale ee Dowladda Puntland.
Gaarigaan ayaa ka yimid gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, waxaana gacanta lagu dhigay, xilli uu marayay duleedka Galdogob, waxaana lagu baarayaan magaaladaga Gaalkacyo.
Taliyaha Ciidamada Qaybta Booliiska Gobalka Mudug, Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan Gaariga, isagoo tilmaamay iney baaritaano kala duwan ku wadaan.
Warar hordhac ah oo ay Shabakadda Puntlandi heshay ayaa sheegaya in Gaariga laga helay Daawooyin, Saliid, Biraha Canjeelada iyo Biro Jarjaran, waxaana la tuunsanyahay inuu ku wajahnaa Buuraha Galgala.
Ciidamadda Difaaca Dowladda Puntland ayaa gacanta ku haya 5 nin oo Gaariga saarnaa, Raggaan ayaa sheegay iney Gaariga saarnaayeen, balse aysan ogayn cida leh, halka uu ka yimid iyo halka uu u socday.
Taliyaha Ciidamada Qaybta Booliiska Gobalka Mudug, Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame ayaa sheegay iney la wareegi doonaan Gaariga, haddii ay waayaan dadkii iska lahaa ee uu u rarnaa.
Sikastaba ha ahaatee, Dowladda Puntland ayaa dhawaan mamnuucday Gaadiidka Xamuulka ahi iney isaga kala gudbaan deegaanadeeda, iyadoo dadaal xooggan ugu jirtay sidii ay u xaqiijin laheyd nabadgelyadda.
HALKAAN KA DHAGEYSO