TOP:- Cabdi Weli Gaas oo la yaaban Siyaasadda cusub ay la soo baxeen C/Kariin Guuleed iyo Shariif Xasan

0

Sida aan horayba idiin kugu soo gudbiney waxaa madasha ka dhex abuurmay is qabqabsi keenay in maamullada qaar ay is kooxeystaan, iyadoo isku duubni laga dareemayo Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan iyo Guuleed waxay ku guuleysteen in ay Puntland u diideen ineysan si sahal ah ku helin Labo kursi oo aqal sare ah taasi oo ugu dambeyn lagu guuleystay.

Xogta aynu helnay hadda waxay sheegaysaa in Labadan Mas’uul ay dabin kale u wadaan C/weli Gaas, islamarkaana ay doonayaaan inay kahor keenaan siyaasiyiinta kasoo jeedda Puntland.

Shariif Xasan ayaa Baydhabo si gaar ah ugu casuumay xildhibaanno iyo siyaasiyiin reer Puntland, wuxuuna doonayaa inuu ka dhaadhiciyo in Gaas uu soo wado rag isaga ku koox ah, sidaa darteedna ay meel adag uga soo jeestaan.

Waa arrin aad murugo ugu beertay C/weli Gaas oo hadda layaaban siyaasadda cusub ee ay lasoo baxeen Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo sidoo kale C/kariin Xuseen Guuleed.