DHAGEYSO: Maxamed cali Nuur Ameeriko oo si kulul uga hadlay xirnaansha Wadooyinka Muqdisho

0

Siyaasi Maxamed Cali Ameeriko oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxtinimo ee Dalka ayaa sheegay in ay qalad tahay in Maalmaha Ciida la xero wadooyinka Muqdisho.

Waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in ay si xur ah ugu Ciidaan Magaalada balse aan loo baahneyn in la Caburiyo.

Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ka xun yihiin in maamaha Ciida in shacabka Soomaaliyeed aysan si farxad ah ku ciidi Karin oo laga xeray wadooyinka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowladda laga doonayo in Siyaasad gaar ah ay la timaado oo ku aadan sugida amniga si shacabka Soomaaliyeed aan mar kale loo dhibaateyn.