Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan midnimada.
Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku gar gaaraan oo ay iska war hayaan.
Waxa uu sheegay in aysan wanaagsaneyn in Koox Koox la isku heysto balse ay Muhiim tahay in laga wada shaqeeyo Midnimada Shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shacabka Deegaanada jubbaland uga baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Amniga, si looga hortago falalka la xiriira Amniga darada.