Waxaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ka soconaya Kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Kulamada gaar gaarka ah ayaa waxa ay u dhaxeeyaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Urur Goboleedka IGAD iyo Waxgaradka Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in Dowladda ay rajo wanaagsan ka qabto dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe looga baahan yahay in ay ka qeyb noqdaan dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.