WAR DEG DEG AH:- Madaxweynaha Uganda oo Muqdisho soo gaaray

0

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa goor dhaweyd soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo ay soo caga dhigatay Diyaaradii uu la socday Madaxweynaha.

Yuweri Museveni oo ah Madaxweynaha dalka Uganda ayaa Garoonka waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa loo galbiyay Madaxweynaha dalka Uganda Xarunta Shirka uu ka furmaayo oo ah Hotelka Peace oo aanan ka fogeyn Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo goor dhaw furmi raba ayaa wararka waxa ay sheegayaan in kaliya la sugaayay inay timaado Diyaaradii uu la socday Madaxweynaha dalka Uganda.

Dalka Jabuuti, waxaa u jooga Wasiirka Arimaha Dibada oo Shirka u matalaya, halka dalka Sudan Safiirkeeda uu shirkaan mateli doono Madaxweyne Al-Bashiir maadaama uu cudur daartay.