Maalinta berri ah waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka madaxda wadamada IGAD, kaasi oo looga hadli doono arrimo badan.
Waxaa la xiri doonaa dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaa la diidi doonaa isku socodka dadweynaha iyo gadiidka ee Muqdisho.
Sidoo kale xog aynu helnay waxay sheegaysaa in berri lasoo kicin doono Afar Diyaara Helicopter ah kuwaasi oo kaalin ka qaadan doona sugista amniga Muqdisho.
Diyaaradahan waxaa ku xiran qalab casri ah oo sheegaya meelaha qatarta taallo sida gaadiidka lagu soo diyaariyey walxaha qarxa iyo wixii la mid ah.
Shacabka Muqdisho muddo Afar maalin ah ma aanay socon, waxaana yaraa dhaq dhaqaaqa dadweynaha, iyadoo arrintaasi loo sababeeyay waddooyinka magaalada oo iska xirnaa.