Waxaa Maanta si isku mid ah looga ciidayaa magaalada Muqdisho iyo sidoo kale gobolada dalka Soomaaliya munaasabada Ciida.
Magaalada Muqdisho oo maanta inteeda badan ay xiran yihiin wadooyinka ayaa waxaa la arkaaya dad weyne aad u farabadan oo ku dhax lugeynaaya magaalada Muqdisho.
Gobolada dalka Soomaaliya ayaa saakay si weyn looga Ciiday , waxaana arkaaya dad weyne isku hambalyeeynaaya maalinta kowaad ee Ciidul Adxaa.
Magaaloyinka Kismaayo ,Cadaado , Garoowe , Baydhabo oo ah caasimadaha ay ku shaqeeyaan maamul goboleedyada ayaa wararka naga soo gaarayaa waxa ay sheegayaan in saakay si weyn loo adkeeyay ammaanka.
Ciidamo aad u farabadan ayaa la soo dhoobay wadooyinka waxayna baarayaan dadka iyo sidoo kale Gaadiidka wadooyinka isticmaalaya.