Wararka naga soo gaaraya caawa ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho sida aadka ahna ugu dhaw dhaw madaxda Madasha Qaran ee wadatashiga ayaa sheegaya in isbedel lagu sameeyay xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka cusub.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Heshiiskan cusub ee Madasha Aqalka sare ka dhigaya mid ka kooban 54 xubnood, wuxuuna meesha ka saaraya arrimahan soo socda:
1- Labadii Xubnood ee beelaha banaadiriga laga siiyay Aqalka sare laguna go’aamiyay shirkii Baydhaba.
2- Labadii Xubnood ee Puntland loogu daray laga soo jaray Somaliland.
3- In Gobolka Banaadir aanu wax xubno ah ku yeelan Aqalka sare
Wararka ayaa sheegaya in iminka ugu danbeyn ay isla qaateen madaxda Madasha kadib markii in mudo ah laysku mari waayay xubno la doonayay in loogu daro Gobolka Banaadir, waxaadna dhawaan heshiiska madasha oo la saxiixay ayaa la shaacin doonaa.
Heshiiska cusub ayaa xubnaha Aqalka sare waxaa loo qeybsaday sidan:
Somaliland 11 Xubnood
Puntland 11 Xubnood
Galmudug 8 Xubnood
Jubaland 8 Xubnood
Koonfur Galbeed 8 Xubnood
Hiiraan/ShabeeladaDhexe 8 Xubnood
Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media