TOP NEWS: War Aan U Wanaagsaneyn Xasan Sheekh oo ka soo baxay Shir ka dhacay Jowhar iyo dad badan oo ka soo horjeestay.

0

Kulankii ugu horeeyay ayaa maanta waxaa uu ku dhex maray magaalada Jowhar saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha, wakiilo ka socda IGAD iyo oday dhaqameedyo ka soo jeeda labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Wadahadalkan ayaa waxaa uu ku saabsanaa sidii dib loogu bilaabi lahaa shirka hakad ku jiray mudada sagaalka bilood ah kaasoo horaantii bishii sanadkan uu furay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wakiil ka socday urur goboledka IGAD oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in IGAD ay shirkan ka aamusnayd muddo 8 bilood ah balse hadda ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii loo fududeyn lahaa qabsoomida shirka.

“Ma oggolaan doono in musuqmaasuq uu ka dhaco shirkan waana ka go’an tahay IGAD inuu shirkan qabsoomo oo uu miro dhalo.”ayuu yiri wakiilka ka socday urur goboleedka IGAD.

Kulankan ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah duubabka dhaqanka labada gobol waxayna ka sheegeen shirka duubabka in ay haatan diyaar u yihiin inay dhamaystiraan shirka.

Odayaasha dhaqanka ayaa u qabtay muddo 48 saacadood ah wasaarada arrimaha gudaha inay ku qeybiso xubnaha ergada shirk aka qeybgalaysa.

Shirkan oo albaabada ay u xirnaayeen ayaa qaar kamid ah dadkii ka qeybgalay waxa ay u sheegeen jowhar.com in la isku soo laaban doono maalinta Talaadada ah maadaama ay berri tahay maalin Ciid ah.