DHAGEYSO:- Xildhibaan Cabdi Barre oo Banaanka soo dhigay Sababta ugu weyn ee loo Xeray Wadooyinka Muqdisho

0

Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaalada Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu waqtigii ka dhamaaday , islamarkaana dalku uusan la heyn Madaxweyne.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya looga baahan yahay in uu xilka ku wareejiyo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay in ay gasho qalalaaso siyaasadeeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-