Xildhibaan Nuur Faarax oo ka mid ah Mudanayaasha kasoo jeeda degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xal laga gaaray dilal iyo sidoo kale Xiisad ka taagneyd degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Waxaa uu sheegay in wadahadalo dheer ka dib ay ku guuleeysteen in ay xaliyaan oo ay dejiyaan xiisadii ka taagneyd degmada Caabudwaaq.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in Waxgarad aan waxba galabsan lagu dilo degmada , waxa uu sheegay in ay ku dadaali doonaan in aysan mardambe dhacdo noocaasi oo kale ah aysan ka dhacin degmada Caabud Waaq.
Degmada Caabudwaaq ayaa dhawaan waxaa lagu dilay 2 Nabadoono oo ka mid ahaa waxgaradka ugu caansan Galgaduud , waxaana sidoo kale lagu dhaawaacay ku dhawaad 7 qof oo ay dumar ku jiraan.
Hoos ka Dhageyso Codka:-