Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa isaga baxay shirka Madasha Qaran ee Muqdisho ka soconaya kadib markii uu shirku ka dhamaan waayay isfahan darro iyo mucaaradid Puntland ka dhan ah.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka xanaaqay kadib markii ay dowladda Faderalka soo jeedisey sida la sheegay in aqalka sare meesha laga Saaro, waxana madaxweynaha Puntland iyo Wafdigiisa ay iskaga baxeen Shirka.
Sida Wararka sheegayaan waxaa lagu qanciyey wafdiga Puntland inaan meesha Laga saarayn Aqalka sare inkasta oo muran Badani uu jiro.
Shirka oo Natiijo La,aan u muuqda ayaa Beesha Caalamka Lagu wadaa inay kusoo biirto si xal loogu helo murankani.
la soco wixii soo kordha…