Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhaw Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ka Dagay Madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamad Islaam Axamd Madoobe oo Magaalada Muqdisho uga qeyb galaayay shirka Madasha.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Madaxwaynaha ay soo dhaweeyeen masuuliyiin uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka Jubbaland Cabdilaahi Luga-dheere iyo masuuliyiin kale oo Maamulka Jubbaland ka tirsan.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa warbaahinta wax hadal siin haddana waxa uu madaarka Kismaayo kulan albaabadu u xiran yihiin kula qaatay saraakiil sare sare oo aan saxaafada loo sheegin halka ay ka socdaan.
Isku soo wada duuboo Kusoo Laabashada Axmad Madoobe ee Kismaayo ayaa waxaa ay yeelatay qeexid kala duwan iyo in aad loo hadal haayo shirka madasha ee muqdisho lagu kala booday.