DHAGEYSO:- Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Weli Xiran iyo qorshe Cusub oo Socda

0

Waxaa saaka xiran guud ahaan wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho dhexmara, iyadoo dadweynaha Magaalada ay yihiin kuwa lugeynaya oo si raxan raxan ah u maraya wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliska Somaliya ayaa la soo dhoobay wadada Muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, iyadoo Isgoysyada, Banaadir, Soobe, KM4, Taleex, Shaqaalaha, Dabka, Sayidka, Tiyaatarka, Daljirka Daahsoon, Isgoyska Jubba la soo dhoobay ciidamo badan oo Boolis ah.

Gaadiidka dadweynaha ayaa loo diidaya wadada inay maraan, waxaana Wadada maraya kaliya gaadiidka ciidanka Dowladda ee qoryaha lala saaran yahay.

Sidoo kale wadada wadnaha ee Magaalada Muqdisho ayaa xiran, taasi oo saameyn ku yeelatay ganacsiga Suuqa Bakaaraha, maadaama ganacsato badan ay u shaqo tagaan Suuqaasi.

Axmed Daahir oo ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa Dhacdo.com u sheegay inuu saaka ka soo lugeeyay Degmada Wadajir, suuqa Bakaarahana uu ku tagay lug.

“Saaka Salaada markii aan dukaday ayaan soo baxay Suuqa Bakaaraha ilaa Madiina lug ayaan ku tagay saameyn badan ayeey nagu yeelatay xirnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri Goobjoogahaasi.

Xaalada Magaalada Muqdisho oo degan ayaa si weyn loo hadal haayaa xirnaanshaha wadooyinka Magaalada oo saameyn buuxda ku yeelatay Bulshada Muruq maalka ah ee u shaqo taga Suuqyada Magaalada Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-