Dad lagu qiyaasay 1.5 milyan oo ruux oo Muslimiin ah ayaa isugu tagay dhulka barakaysan ee Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaatka Xajka ee sanadkan.
Xujayda ayaa hadda ku sugan magaalada Maka oo ammaankeeda aad loo adkeeyay.
Gawaarida ayaa laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka masaajida barakaysan ee Xaramka u jira 2 KM.
Booliiska ayaa Xujayda meelo kala duwan ku waydiinaya aqoonsiyadooda.
In kabadan labo kun oo ruux ayaa ku dhimatay xajkii sanadkii hore kaddib markii ay is buurteen.
Dadkaas badankoodu waxay ka soo jeedeen Iiraan, Tehraanna waxay Sacuudiga ku eedeeysay in ay si xun u maamushay Xaramka waxayna dadkooda u diideen in ay aadaan Xajka sanadkan.
Hoos ka Daawo Sawirada:-