DAAWO SAWIRADA:- Farxaan Hadaafoow oo guul ka soo hooyay Tartankii Baaskiilada Naafada ee Rio

0

Farxaan Caddow (Hadaafoow) oo ah Wiil Soomaaliyeed ayaa guul ka soo hooyay wareeggii 1-aad Tartankii Baaskiilada Naafada ee Boqolka Mitir oo lagu qabtay Magaalada Rio De Jenaria ee Wadanka Baraasiil.

Farxaan oo shalay ka qeybgalay Tartanka Caalamiga ah ee Naafada ayaa ka galay kaalinta 5-aad, isagoo Calanka Soomaaliya ka hor mariyay Dalal waaweyn ee horumaray oo ay ka mid ahaayeen Dalalka Germany, Japan iyo kuwo kale.

Farxaan Hadafow ayaa ku tartamayay qeybta baaskiilada ee 100-ka mitir,isagoo ku orday 18.49 sec halka orodyahanka kaalinta 1aad galay oo ka soo jeeda Dalka Maraykanka uu ku orday 17.20 sec.

Inkastoo farxaan uusan wax bilad ah ku guuleysan haddana wuxuu muujiyey dadaal badan, isagoo orodka baaskiilada kala qeybgalay Todobo Dal oo qaarkood metelayey Dalalka Caalamka ugu dhaqaalaha iyo awooda badan.

Bahda Isboortiga ee gudaha iyo dibeda dalka ayaa ayaa soo dhoweeeyey kaalinta wanaagsan ee farxaan uu ka galay tartanka olombikada naafada adduunka, waxayna sheegeen inuu ka fiicnaaday labo orodyahan oo Somalia uga qeyb galay tartankii olombikada aduunka ee dhowaan lagu soo gebagebeeyey isla magaalada Rio kuwaasoo galay kaalimaha ugu dambeeya.

“Isagoo naafo ayaa waxaa uu gaaray meel ay gaari waayeen orodyahanadeenii lixaadkoodu dhammaa, waxayna tani u dhigantaa guul weyn” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah taageerayaasha bahda isboortiga Somalia.

Wiilkaa Soomaaliyeed oo iskiis isku xilqaamay ayaa waxa uu mudan yahay dhiiragelin iyo mahadnaq, waxaana u rajeynaynaa inuu dadaalkiisa sii wado, maadaama uu guul taariikhi ah u soo hooyay Ummadda iyo Calanka Soomaaliyeed.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

fa1-1 fa-2 fa2-1 fa3 farxan farxan1 farxan2 farxan3