XOG RASMI+CADEYN:- Xildhibaan ka Tirsanaan jiray Baarlamaankii KMG Soomaaliya oo Isku qarxiyay Xalane iyo Al-Shabaab oo Codad ay duubeen soo bandhigay

0

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-shabaab ayaa Xalay baahisay codadka raggii fuliyay weerarkii Shalay ka dhacay xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Saalax Badbaado oo horey uga tirsanaan jiray barlamaankii kumeel gaarka ahaa ee xilligii dowladdii Sheikh Shariif ayey sheegeen Shabaab inuu Fuliyay mid kamida weeraraadaas oo ay Alshabaab ugu yeeraan camaliyaatkii laguna beegsaday saldhigga Ciidanka AMISOM ee Magaalada Muqdisho.

Wareysi dheer oo lagasii duubay ka hor intii uusan fulin weerarka Saalax Badbaado oo lagasii daayay Idaacadda Andalus ayuu dardaaran ugu diray umadda Soomaaliyeed iyo Al-shabaab.

Saalax Badbaado ayaa sidoo kale Fariin gaar ah u diray shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Waqooyi Galbeed Soomaaliya ee Somaliland loo yaqaan.