XOG MUHIIM AH:- Ciidamada Soomaalida Itoobiya Oo Ka Howlgali Doona Kismaayo

0

Xog muhiim ah oo ay heshay Shabakadda Warqaad ayaa sheegaya in ciidamada Liyoo Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya dhawaa ka howlgeli doonaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan markii uu tagay magaalada Jigjiga waxa uu soo saxiixay in ciidamada Liyuu Boolis ay ka shaqo billaabaan Kismaayo iyo magaalooyin kale.

si horudhac ah waxaa loo keeni doonaa magaaladaasi ku dhawaad 2 kun oo askari waxaana looga dan leeyahay inay ilaaliyaan maamulka Axmed Madoobe iyo wax walbo oo carqal ah ku imaan kara maamulkaasi.

Axmed Madoobe ayaa xiriir aad u wanaagsan kala dhaxeeyo DDSI, waxaana lagu xantaa in qaab isku beel ahaan ay isku garabsadaan Labadaasi maamul.