Ciidanka amniga dowladda ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in xalay uu bambano ku weeraray guri uu degmada Deyniile ka degan yahay gudoomiyaha degmadaasi Axmed Nuur Siyaad.
Gudoomiye xigeenka degmada Deyniile Axmed Nuur Adeeroow ayaa sheegay in xiliyadii afurka lagu jiray bambada lagu tuuray goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda gaar ahaan ilaalada gudoomiyaha degmada.
Waxa uuna inku daray in ciidanka gacanta ku dhigeyn Ninkaas bambaanada ku tuuray, goobta ay soo gaareyn masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayna ku wareejiyen nin kii bambada kusoo tuuray guriga gudoomiyaha.
Waa dhacdadii ugu horeysay ee ka dhacda degmada Deyniile ee gobolkaan Banaadir tan iyo markii laguda galay bisha barakeysan ee Ramadaan
HALKAAN KA DHAGEYSO