Wararka ka imaanaya Tuulada Jaamac Dubad oo ka tirsan Gobolka Togdheer ee Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Soomaalida Ee Liyuu Boolis ay halkaa ku laayeen Dad Soomaaliyeed oo gaaraya 43 Ruux.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya Laayeen Dad Rayid ah oo Caruur iyo Haween ay ku jiraan,kuwaas oo ku noolaa Tuulada Jaamaca Dubad ee Gobolka Sool.
Hoobjoogeyaal ayaa sheegay in Arrintaan ay timid ka dib markii Maleeshiyo Hubeysan oo aan Heybtooda weli la garan ay Rasaas ku fureen Ciidamo Itoobiyaan ah,kuwaas oo Rasaasta ka dib Xasuuqay Dadka Rayidka ah
HALKAAN KA DHAGEYSO