Deeq raashiin, ayaa waxaa la gaarsiiyay qaxootiga dalka Yemen ee ku nool Magaalada Muqdisho, si ay u quutaan soddonka maalmood ee bisha barakaysan Ramadan.
Raashiinkan oo ka kooban sonkor, bur, bariis, saliid iyo timir, ayaa waxaa qaxootiga gaarsiiyay Hay’adda Al Kheyriya oo laga leeyahay dalka Qatar.
Hay’adda oo kaashanaysa Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa qaxootiga u qaybisay deeqda ay ugu talla-gashay, waxaana qaybinta deeqdaasi ka qayb qaatay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).
Hogaanka qaxootiga reer Yemen oo ka hadlay deeqda la gaarsiiyay, ayaa si diiran u soo dhaweeyay, waxayna codsadeen in isha lagu haayo, maadaama lagu guda jiro bishii ugu fadliga badneyd ee billaha Islaamka.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa Hay’adda Al Kheyriya uga mahadceliyay deeqdan, waxaana uu ku baaqay in kaalmo la gaarsiiyo dadka aan waxba haysan.
Yemen waa dalka keliya ee Carbeed ee xeryo qaxooti dalkiisa uga sameeya dadka Somaliyeed, ka dib markii ay dhacday Dowladdii Dhexe (Kacaanka).