FAAHFAAHIN:- Ciidamada AMISOM oo Hoobiyaal ku garaacay Magaalada Marko

0

Faah faahino dheereed ah ayaa laga helayaa Madaafiic xalay Ciidamada AMISOM ay ku garaaceen Deegaanka Janaale ee Gobolka Sh/Hoose.

Madaafiicda oo aheyd kuwo aad jugtoooda aad looga maqlayey qeybo badan oo katirsan gobolka ayaa la soo sheegayaa in ay geesteen khasaaro xoogan oo dad shacab ah iyo xoolo intuba soo gaaray.

Deegaanka janaalle waxaa gacanta ku haya Maleeshiyada Al-Shabaab kuwaas oo dhowr jeer laga saaray halkaa hase ahaatee ku soo laabta.

Madaafiicda xalay lagu garaacay ayaan la ogeyn sababta ka danbeysay waxase loo maleynayaa in ciidamada AMISOM Ay uga jawaabayeen weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab ku qaadeen xero ay deganaayeen AMISOM.