Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmi doono dhigiisa dalkani Kenya Uhuru Kenyatta.
Labada Madaxweyne ayaa waxa ay ka wada hadli doonaa waxaa ka mid ah arrinta dib u celinta qaxootiga, iyo iskaashiga dhanka amniga ee labada Dowladood.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay booqday xeryaha qaxootiga ee Dadaab halkaas oo uu kula kulmay dadka qaxootiga ah.
booqashada madaxweynaha waxay ku soo aadeysaa inuu ay jirto xiisadda ah celinta qaxootiga ee Soomaalida, iyo go’aan ay qaadatay Dowlada Kenya.