Booliska dalka Burubdi waxay xireen tobannaan ardey ah oo dugsi sare dhigata, kuwaas oo lagu eedeeyay inay wajiga ka xumeeyeen sawirka madaxweynaha dalkaasi Pierre Nkurunziza.
Caruurta ayaa dacwo lagu oogay taas oo ah inay aflagaadeeyeen madaxa dalka.
Eeda caruurtan loojeediyay waxay ku muteysan karaan illaa 10 sano oo xabsi ah.
Baarayaal ku sugan magaalada Bujumbura waxa ay sheegayaan in laba qof la dhaawacay maalintii Jimcada kaddib markii booliska ay rasaas ku fureen caruur iskuuley ah oo mudaaharaadayay.