XOG+MOOSHIN:- Mooshin cusub oo loo gacan galiyey Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in guddoonka baarlamaanka Faderaalku ay qabteen Mooshin ka dhan Wasiirka Maaliyadda, Xisaabiyaha guud & Xeer Ilaaliyaha guud dawladda Soomaaliya oo lagu eedaynayo in ay lunsadeen Hanti ay leedahay dawladda Soomaaliya.

Xildhibaanada Mooshinka u gacan galiyay Jawaari ayaa waxa ay mooshinkooda u cuskadeen Musuq‐maasul lagu sameeyay hanḤda Qaranka Somalia, Mushaarka Shaqaalaha Dowlada oo leys dabamariyay, dhaqaale ay bixisay Dowlada Turkiga oo aan ku dhicin qasnada dowlada iyo HanḤ dhowrka guud oo u bareeray ka gaabinta xatooyada ay Xildhibaanada ku eedeeyen Fargeeti.

Xildhibaanada ayaa mooshinkooda ku dalbaday in labadaasi mas’uul si dhaqsi ah lagu horkeeno si ay wax uga weydiiyaan lunsashada hanḤda Qaran.

Xildhibaanada ayaa Mooshinkooda ku cadeeyay inay hayaan cadeymo marqaaḤ u ah musuqa ay ku kaceen Wasiirka maaliyada iyo HanḤ dhowrka oo u fududeynaayo boobka lagu hayo miisaaniyada shaqaalaha iyo ciidamada.

Ugu danbeyntii, Xildhibaanada ayaa Guddoomiyaha ka dalbaday in lasoo dadajiyo Mooshinka labadaasi mas’uul ay ku dalbanayaan.