WAR DEG DEG:- Wariye Sagal salaad Cusmaan oo maanta lagu aasay Muqdisho

0

Allaha u naxariistee Marxuumad Wariye Sagal Salaad Cismaan oo ka mid ahayd Warbaahinta Qaranka oo shalay ay Muqdisho ku dileen koox hubaysan oo ka tirsan maleeshiyada AL-Shabaab ayaa maanta lagu aasay isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Aasakaasi oo ay ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, ehelada marxuumadda, qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda Plasma iyo suxufiyiin, waxaana halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaahi isagoo ugu horeyn ka tacsiyadeeyay falka lagu dilay Marxuum Sagal Salaad, islamrkaana hay’adaha ammaanka ka codsaday inay cadaaladda la tiigsadaan Dadkii ka dambeeyay dilka Marxuun Sagal.

Aasakaasi waxaa kaloo ka hadlay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/Fitaax Cumar Axmed Muuse iyo Xoghayaha guud ee Ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu  oo ka hadlay goobta aaska ayaa Alle uga baryay in uu janada ka waraabiyo, iyagoo Dowladda ka codsaday inay cadaaladda la tiigsadaan Dadkii falkaasi ka dambeeyay.