WAR DEG DEG:- Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka oo ku dagaalamay Afgooye

0

Waxaa maanta is rasaaseyn xoogan ay gudaha degmada Afgooye ku dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan  dowladda Federaalka Soomaaliya.

Is rasaaseynta ayaa waxa ay ka dhacday Xaafadda Mukeyga ee degmadaasi Afgooye.

Ciidamada dagaalamay oo dhammaan Milatari ahaa ayaan la ogeyn sababta ay isku qoomeen.

Weli ma jiro maamlka iyo Saraakiisha Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan maamulka degmada Afgooye waxa war ah ay arrintaan ka soo saareen.