Wakiilka midowga Africa oo ugu hanbalyeeyay shacabka soomaaliyeed bilashada bisha Ramadaan

0

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa Ambassador Francisco Madeira ayaa sheegay in loo baahanyahay in la gar gaaro dadka danta yar bisha ramadaan waa bil cibaado waa bisha Kaliyah ee ugu qeyrka badan kow iyo tobanka bilood oo kale.

“Waxaan ku dadaalaynaa inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan in la xoojiyo nabad gelyada waxan rabnaa in shacabka soomaaliyeed ay nabad ku afuraan waana ku dadaali donaa xaqiijinta amniga”,sidaa waxaa yiri Wakiilka.

Wakiilka oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri”Anigoo ku hadlaya magaca midowga Africa iyo kaygaba waxaan hanbalyo u dirayaa shacabka soomaaliyeed meelkasta ay dunida ka jogaan waxaan leeyahay ramadaan kariim”, sidaas waxaa yiri Ambassador Francisco Madeira.